Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa digreeto ka soo baxday xafiiskiisa lagu magacaabay taliyeyaal iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir.
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka waxaa loo magacaabay Jeneraal Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, halka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen, C/llaahi Cali Caanood.
Taliyaha ciidanka Booliska waxaa loo magacaabay Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid oo isagu horey u soo qabtay xilkan.
Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Taabid Cabdi oo ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya ee Mareykanka, horayna u soo noqday Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada.
Taliyaha NISA Cabdulaahi Sanbaloolshe – Hawiye, Xawaadle.
Taliyaha Milatariga Cirfiid – Hawiyr, Habargidir, Saruur.
Taliyaha Booliska Saacid – Daarood, Leelkase
Taabid Cabdi Maxamed – Hawiye, Abgaal, Waceysle.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.