Akhriso: Wararkii ugu dambeeyay ee gurmadka Qardho

1: Ku dhawaad 800 oo Qoys ayaa maanta Dawlada Puntland ay gaarsiisay deeq raashin ah oo kala duwan. Dadka la gaarsiiyay ayaa u badnaa Dadkii ay roobabku saameeyeen.

2: Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DFS ayaa galabta soo gaaray Magaalada Qardho, Caawana waxay kulan la yeesheen Madaxweynaha Puntland Dr Said Cabdilaahi Deni.

3: Degmooyinka Gaalkacayo iyo Garoowe ayaa maanta deeq soo gaarsiiyay Magaalada Qardho.

4: Urur-Siyaaaadeedka Sinaan iyo Cadaalad ayaa deeq raashin ah oo ka kooban Bur, Bariis, Sonkor, Caano, iyo Timir oo loogu talagalay 730 Qoys soo gaarsiiyay Gudigga Gurmadka Qardho.

5: Shaqaalaha iyo Ciidamada Madaxtooyadda Puntland ayaa deeq ay iska ururiyeen uga qayb-qaatay Gurmadka Qardho. Sida uu sheegay Agiisamaha Madaxtooyada Puntland Cabdiweli Timacadde.

6: Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa beeniyay in lacago ka yimmi Xildhibaano, Wasiiro iyo Dad muxsiniin ah ay soo gaartay gudigooda.

7: Puntland ayaa beenisay in deeqdii timmi Garoowe ee Wasiirada DFS ay waddeen ay dawlada dhexe ku deeqday, Waxayna sheegeen in Deeqdaas ay ka timmi UNCHR.

8: Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa sheegay in Shirkadda DP-World ay ugu deeqday Gurmadka Qardho 10kun oo dollar.

9: Guddi hoosaadka Amnigga Iyo Hawlaha guud ayaa maanta maalinkii Afraad Olole Nadaafadeed ka sameeyay wadooyinka magaalada Qardho.

10: Wasiirka maaliyadda Puntland ayaa sheegay in Dawladu ay qoondadeeda kaga qayb-qaadan doonto Gurmadka Qardho, Sidoo kalena ay dabiraysi hadda kharashaadka ugu badan ee baxaya.

Mohamuud Nadiif Shire


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading