Warmurtiyeedka Shirka Heritage ee Garowe”
Garowe, Puntland—Soomaliya
(02 Janaury 2021)
Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda, oo ah xarun cilmi-baaris, gorfeyn iyo maskax-maal lagu sameeyo, ayaa Madasha Aragti-wadaaga Soomaalida ee sannadlaha ah markii ugu horreysay ku qabatay caasimadda Dowladda Puntland ee Garowe, intii u dhaxeysay 29 December 2020 iyo 2-da January 2021.
In ka badan 700 oo qof, oo ka kala yimid dacallada dalka, ayaa kasoo qeybgalay madasha. Masuuliyiinta labada heer ee dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka bulshada rayidka ah ayaa ka mid ahaa dadka kasoo qeybgalay.
Madashan, oo ah fagaare kulmiya haldoorka iyo hoggaanka Soomaalida sannadkiiba mar, ayaa looga arrinsaday afar qodob oo kala ah:
-Dhammeystirka dastuurka kumeelgaarka ah o Tabba galinta nidaam federaal oo dhammeystiran
-Xasilinta dalka iyo sameynta ciidan qaran oo heshiis lagu yahay
-Qabashada doorasho qof iyo cod ah sannadka 2025
.DHAMMEYSTIRKA DIB U EEGISTA DASTUURKA KMG
Madashu waxay bogaadinaysaa dadaallada ay sameeyeen wasaaradda dastuurka, guddiyada baarlamaanka federaalka iyo kuwa madaxa bannaan ee dastuurka, kuwaas oo sameeyay daraasado qiimo leh, soona bandhigay xulashooyin la xiriira qodobbada xasaasiga ah ee dastuurka. Ha yeeshee, madashu waxay walaac ka muujineysaa qabyo-tirka daba-dheeraaday ee dastuurka KMG, kaasoo ay taabba galintiisu saldhig u tahay dowladnimada dalka iyo heshiiska bulshada Soomaaliyeed.
Madashu waxay garowsatay in sababta ugu muhiimsan ee loo dhammeystiri la’yahay dibu-eegista dastuurka ay tahay maqnaanshaha heshiis siyaasadeed oo ay gaaraan madaxda dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah.
Madashu waxay ugu baaqeysaa dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah iney si degdeg ah heshiis uga gaaraan qodobbada siyaasadeed, si ay usoo idlaato dib u eegista dastuurka, iyadoo loo marayo wadiiqada isqancinta iyo isku tanaasulka.
Sida ku cad qodobka 134-aad, faqradiisa labaad ee dastuurka KMG, madashu waxay ku baaqeysaa in sida ugu dhakhsaha badan loo hirgaliyo qodobkaas, lana howlgaliyo xubnaha ay dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka usoo magacaabeen Guddiga Dibu-eegista Dastuurka.
Sida ku cad qodobka 52-aad ee dastuurka KMG, madashu waxay ku baaqeysaa in madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay yeeshaan wada shaqeyn joogto ah oo heersare ah.
- TAABBA GALINTA NIDAAM FEDERAAL OO DHAMMEYSTIRAN
Madashu waxay dareen ka muujineysaa kala aragti duwanaanshaha soo noqnoqday ee u dhaxeeysa labada heer ee dowladda Soomaaliya. Madashu waxay garowsatay in dhammeystir la’aanta qodobbada federaaleynta ee dastuurka ay tahay sababta ugu weyn ee horseeda khilaafka joogtada ah ee labada heer ee dowladda Soomaaliya.
Sidaas darteed, madashu waxay ku baaqeysaa qodobbada soo socda:
a) In dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah ay isku ixtiraamaan awoodaha uu u kala xadeeyay dastuurka KMG
b) Madashu waxay soo jeedineysaa in awoodaha dastuurka ee aan kala xadeysneyn una baahan heshiis siyaasadeed oo kama danbeys ah looga sii shaqeeyo jawi wada-oggol iyo wadatashi joogta ah oo u dhaxeeya labada heer
c) Si waafaqsan qodobka 111F ee dastuurka KMG, madashu waxay ku baaqeysaa in la sameeyo Guddiga Wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah (inter-State Commission), kaas oo waajibaadkiisa ugu weyn uu yahay fududeynta howlaha ka dhaxeeya labada heer ee dowladda Soomaaliya.
- AMNIGA QARANKA
Madashu waxay bogaadineysaa geesiyaasha ciidamada qalabka sida ee dalka ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab, Daacish, IWM.
Madashu waxay ka xun tahay in aan la hirgalin heshiisyadii amni ee ay gaareen dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah, gaar ahaan Heykalka Amniga Qaranka (National Security Architecture) ee lagu saxiixay London bishii May 2017-dii.
Kala aragti duwanaanshaha labada heer ee dowladda ayaa saldhig u ah fulin la’aanta heshiiska amniga.
Natiijada arrintaas ka dhalatayna waxay horseedday in kooxaha argagixisada aan wali laga wada sifeyn dalka oo dhan.
Heykalka Amniga Qaranka waa hannaan amni oo looga kaaftoomi karo ciidanka nabad ilaalinta AMISOM, loona dhisi lahaa ciidan qaran oo damaanad qaadi kara amniga dalka. Sidaas darteed, madashu waxay ku baaqeysaa in sida ugu dhakhsaha badan loo hirgaliyo Heykalka Amniga Qaranka, si loo dhiso ciidan qaran oo heysta kalsoonida guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
- ARRIMAHA DOORASHOOYINKA
Madashu waxay soo dhaweyneysaa geeddi socodkii siyaasadeed ee doorashooyinka dalka ee kasoo billowday Dhuusamarreeb 1, 2 iyo 3, kuna soo dhammaaday heshiiskii 17-kii september 2020 ee Muqdisho lagu saxiixay. Ha yeeshee, madashu waxay walaac xooggan ka muujineysaa kala aragti duwanaanshaha wali ka taagan hirgalinta heshiiskii 17 September.
Madashu waxay shacabka Soomaaliyeed xusuusineysaa in mid kamid ah guulaha ugu waaweyn ee laga gaaray dowladnimada dalka 20-kii sano ee lasoo dhaafay, ay aheyd qabashada doorasho ku qotonta wada-oggol iyo isqancin u dhaxeysa dhinacyad ay khuseyso kuna dhacda wakhtigeedii.
Madashu waxay hoosta ka xarriiqeysaa in shacabka Soomaaliyeed ay kasoo daaleen doorasho dadbadan oo ku saleysan nidaam qabiil, loona baahan yahay in loo tallaabo doorasho qof iyo cod ah oo ku saleysan deegaanno doorasho, axsaab siyaasadeed iyo afkaar xor ah, sannadka 2025.
Madashu waxay bogaadineysaa, isla markaana dhiirri galineysaa dadaallada ay wadaan madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ee ay xalka ugu raadinayaan ismaandhaafka doorashada.
Madashu waxay soo dhaweyneysaa nuxurka warmurtiyeedkii ay labada maamul soo saareen 24-kii December, kaas oo ku saleysnaa in khilaafka doorashada lagu dhammeeyo isqancin iyo isku tanaasul.
Madashu waxay ku baaqeysaa in laga fogaado tallaabo walba oo khakhal galin karta amniga iyo xasilloonida, isla markaana burburin kara heshiiskii 17 September 2020.
Madashu waxay kaloo ku baaqeysaa in laga fogaado qabashada doorasho baal-marsan heshiiskii 17 September oo aan aysan ku mideysneyn dhinacyada ay khuseyso.
Sidoo kale, madashu waxay ku baaqeysaa in laga fogaado hadallada xanafta leh ee horseedi kara hurinta colaadaha marxaladdan xasaasiga ah.
Madashu waxay cod dheer ugu baaqeyso madaxda dalka iney hubiyaan qoondada dumarka ee 30% marka la xulayo xubnaha Baarlamaanka 11-aad.
Ka qeybgalka dumarka ee dowladnimada dalka wuxuu saldhig u yahay horumarinta dalka. Sidoo kale, madashu waxay ku baaqeysaa in bulshada rayidka ah ay kaalin mug leh ku yeeshaan geeddi socodka doorashooyinka dalka, ha ahaato dhinaca talada, farsamada ama hirgalinta.
Si loo tiigsado hadafka doorasho qof iyo cod ah afar sano kaddib, madashu waxay ku boorrineysaa dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah iney qabtaan doorashooyinka dowladaha hoose, kuwaas oo saldhig xooggan u sameyn kara nidaamka dimoqraadiga ah ee dalkeenna.
Madashu waxay hoosta ka xarriiqeysaa ahamiyadda ay leedahay in dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah ay wadajir uga shaqeeyaan in muddo xileedka soo socota ee golayaasha dowladda ay noqoto mid lagu soo afjaro arrimaha hortabinta u leh dowladnimada dalka, sida dastuurka, federaalka, amniga qaranka iyo doorashooyinka.
- MAHADCELIN
Madashu waxay mahadcelin ballaaran u jeedineysaa Dowladda Puntland iyo shacabkeeda oo si diirran usoo dhaweeyay kasoo qaybgalayasha Madasha Aragti Wadaagga Soomaalida. Si gaar ah, madashu waxay u mahadcelineysaa Madaxweynaha Puntland, Mudane Saciid C/llahi Deni iyo golihiisa xukuumadda, sida hagar la’aanta ah ee ay heeganka ugu jireen intii uu shirku socday.
Sidoo kale, madashu waxay u mahadcelineysaa Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda, sida howlkarnimada leh ee uu u soo agaasimey shirkan.
Madashu waxay ku dhiirri galineysaa Machadka Heritage in uu sii wado Madasha Aragti Wadaagga Soomaalida ee sannadlaha ah.
Madashu waxay u mahad celineysaa dowladda iyo shacabka Djibouti oo saddexdii sano ee lasoo dhaafay marigaliyey Madasha Aragti-wadaagga Soomaalida.
Shacabka Soomaaliyeed marnaba ma halmaami doonaan kaalinta taariikhiga ah ee uu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ka qaatay dib u heshiisiinta iyo dib u yagleelidda dowladnimada dalkeenna.
- GUNAANAD
Madashu waxay hoosta ka xarriiqeysaa in marxaladda kala guurka ah ee uu dalku marayo ay u baahan tahay in lagu hoggaamiyo wadatashi, isqancin iyo isku tanaasul loo sameynayo shacabka Soomaaliyeed ee kasoo daalay xasaradaha iyo khilaafyada.
Madashu waxay cod dheer ku sheegeysaa in afarta sano ee socota ay muhiim u tahay aayaha dalka, loona baahan yahay in la taabbo galiyo arrimaha hortabinta leh, sida dastuurka, nidaamka federaalka, heykalka amniga qaranka iyo doorashooyinka.
Haddaba, si taas loo tiigsado, madashu waxay soo jeedineysaa in Machadka Heritage uu kala shaqeeyo labada heer ee dowladda sidii loo dhammeystiri lahaa qodobbada kor ku xusan, iyadoo la adeegsanayo kaadirka Soomaaliyeed.
= DHAMMAAD =
HIPSINSTITUTE #AFI2020 #SomaliForum2020
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.