Al-Ashar oo ka hor timid go’aanka Taalibaan Ee Waxbarashada Haweenka

Imaamka weyn ee Masjidka Al-Azhar ee Masar,ayaa sheegay in shareecada uu kasoo horjeedo in uu kasoo horjeedo go’aanka gabdhaha reer Afgaanistaan looga mamnuucay inay wax ka dhigtaan Jaamacadaha Dalkaas.

Shiikh Axmed Al-Tayeb oo lagu tilmaamo in uu yahay Waddaaadka ugu saameynta badan muslimiinta suniga ah,ayaa ku baaqay Ragga iyo Dumarka in ay wax bartaan.

Wuxuu ku tilmaamay go’aanka mid naxdin leh, wuxuuna ka codsaday mas’uuliyiinta Taalibaan inay ka laabtaan go’aanka.

Horraantii Toddobaadkan ayay aheyd markii Taalibaan ay Haweenka ka mamnuucday in ay wax ka bartaan Jaamacadaha ku yaalla Afghanistan ilaa amar dambe.

Waxay amar ku siiyeen Jaamacadaha in ay qaabilin Gabdhaha.

Tallaabadan,ayaa horseeday qeylo dhaan caalami ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading