Al-Shabaab iyo Shacab ku dagaalamay Gobalka Hiiraan

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Degmooyinka Halgan iyo Buullo-burde ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Maleeshiyada Al-Shabaab ay isku dayeen in ay xoollo baad ah ka qaataan dadka xoollo dhaqatada ah ee ku nool Gobolka, iyadoo dadka deegaanka ay ka biya diideen in ay bixiyaan lacago iyo xoollo baad ah.

Qaar ka mid dadka deegaanka ayaa sheegay in ay dileen 5 ka tirsan horjoogayaasha iyo Maleeshiyada Al-Shabaab, kadib dagaal xooggan oo dhex maray Al-Shabaab iyo dadka deegaanka.

Degaanada Gobalka Hiiraan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa kusoo badanayay dagaalada u dhexeeya Kooxda Al-Shabaab iyo Dadka Degaanka, kuwaas oo is hubeeyay kaddib markii Al-Shabaabku kordhiyeen Dhaqaalaha ay ka qaadayaan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading