Al-Shabaab oo dad shacab ah ka afduubtay Gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya Degaanada Galmudug ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ay maanta dad shacab ah ka afduubteen Gobalka Galgaduud.

Dadka ay maleeshiyaadka Al-Shabaab Afduubatay oo ah labo nin oo shacab ah, ayaa kooxdu ka afduubatay degaanka Burujeed 70-KM u jir degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Kooxda Al-Shabaab ay meel isugu keentay qaar kamid ah Shacabka degaanka Burujeed, iyadoona intaas kaddib kala baxday labada ruux ee ay la tageen.

Ma jirto cid si rasmi ah uga warbixin karta sababta keentay afduubkaan, balse warar kale ayaa waxa ay sheegayaan in maamulka degmada Guriceel ay wadaan qorshe ay kusoo furanayaan labadan ruux ee ku jira gacanta Al-Shabaab.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading