Al-Shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay Haweeney

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa fagaaro ku yaal degaanka Shaw oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ay ku toogteen Haweeneey ay sheegeen inay ka tirsaneyd Ciidamada Maamulka Hir-Shabeelle.

Goobta toogashada ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne ka kala yimid Xaafadaha qaar ee degaanka Shaw, kuwaas oo ay Al-Shabaab ku amreen inay daawadaan sida ay u dhaceyso toogashada.

Haweeneeyda ay Al-Shabaab fagaaraha ku toogteen ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Anfac Xuseen Muxumed, waxaana Al-Shabaab ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeyneysay Maamulka Hir-Shabeelle kana tirsaneyd Ciidamada Millateriga ee ka howlgallayay Xerada lama galaay ee Magaalada Beledweyne.

Al-Shabaab ayaa horay waxaa degaannada ay maamulaan ugu toogteen rag & dumar ay sheegeen inay la Shaqeeynayeen dowladda Federalka ah ee Soomaaliya iyo dowladaha taageera.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading