Al-Shabaab oo madaafiic ku garaacay Xerada Xalane

Al-Shabaab ayaa markii labaad 24-saac gudahood weerar madaafiic ah ku qaaday xarunta Xalane oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada AMISOM, Hey’adaha Qaramada Midoobey iyo Safaarado dhowr ah.

Weeraradan Madaafiic ayaa dhacay shalay subax iyo xalay fiidkii hore, waxaana la sheegay in dhowr madaafiic ku dhaceen Xalane iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Madaafiicdii shalay ayaa sidoo kale ku dhacay meel aan sidaa uga fogeyn Xerada Xalane waxaa ku dhintay illaa afar qof rayid ah oo guryahooda madaafiicda ku habsadeen.

Al-Shabaab ayaa qoraalo ay barahooda Internet-ka ku qoreen ku sheegay in duqeyntaas lagu dilay Dad ajaaniib ah, wallow aysan jirin wax war oo kasoo baxay AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya oo ku saabsan weeraradan madaafiicda ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading