Al-Shabaab oo Odayaal dhaqmeed ku xir-xirtay Gobalka Mudug.

XARARDHEERE (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Koonfurta Gobalka Mudug, ayaa Sheegaya in Dagaalamayaasha Kooxda Al-Shabaab ay ku xir xireen deegaano hoostaga Warshubo iyo tuulooyinka kale Odayaal dhaqmeed kasoo jeeda dhinaca Galmudug.


Tirada odayaasha Al-Shabaab ay Xireen  ayaa waxaa ay gaarayaan 18 Oday oo ah kuwa deegaanka Warshubo ee Koonfurta Gobolka Mudug si aad ah loogu yaqaano.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya  in Sababta loo xiray Odayaasha ay  tahay,  kaddib markii ay ka biyo diideen Amar uga yimid Saraakiisha Al-Shabaab ee  ku sugan degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

Amarka ayaa ahaa in Odayaasha Degaanka ay keenaan Dhalinyaro ka barbar dagaalanta Al-shabaab oo ah kuwa degaanka, iyadoo Odayaasha la  xiray ay ka soo hor-jeesteen Amarka Al-shabaab.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Al-Shabaab ay odayaal ku xireen  deegaano ay ka mid yihiin  Xiindheere iyo Ceel garaas oo dhamaantooda hoostaga degmada Ceel-buur ee Gobalka Galgaduud.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading