MUQDISHO (IDIL NEWS)-Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda dilka xeerilaaliye ku xigeenkii Qaranka Maxamed Mursal oo maanta lagu dilay Xaafada Siigaale ee degmada Hodan.
War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamo ka tirsan Shabaab ay dileen xeerilaaliye ku xigeenka ka dibna ay baxsadeen.
Maxamed Mursal ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo aad u firfircoon, waxaana uu wax kusoo bartay dalka Suudaan, Sanadii ugu dambeeyay ayuu ka shaqeynaayay Xafiiska xeerilaalinta Qaranka.
Magalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto,Mas’uulyiin ka tirsan Dowladda,Askar iyo Shacab intabada,waxaana mas’uuliyadooda sheegta dilalkaas Al-Shabaab.
IDIL NEWS
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.