Al-Shabaab oo sheegatay Qarax saaka lala beegsaday Ciidanka Gorgor

Qof sitay Jaakad qarax ku xiran yahay,ayaa isku qarxiyay dhalinyaro doonaysay in ay qortaan Ciidanka Gorgor.

Afar Qof,ayaa dhaawacmay kaddib markii Nin sita jaakad walxo qarxa ay ku xiran yihiin uu isku qarxiyay meel aan sidaa uga fogeyn xerada tababarka Turkida ee TURKISOM ee Magaalada Muqdisho.

Illo ku dhow-dhow Ciidanka,ayaa sheegay in qofka qaraxu ku xirnaa uu doonayay inuu dhex galo dhalinyaro saf ku jirtay si ay u qortaan Ciidanka Gorgor ka soo horjeedka Xerada TURKISOM, laakiin ay Ciidamada amaanku ka shakiyeen, deetana inta aanu soo gaarin dhaliyarada safka ku jirtay uu is qarxiyay.

Afar kamid ahaa dhalinyaradii doonayay in ay ciidanka qortaan ayaa goobta ku dhaawacmay.

Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxa,ayaa qoraal ay soo dhigtay bar internet ku sheegtay in 32 ka tirsan dhalinyaradii Ciidanka qoranaysay ay halkaas ku dhinteen.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Hay’addaha Amaanka oo ku aadan khasaaraha ka dhashay Qaraxa.

Ma jiro war madaxbannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading