Al-Shabaab oo soo bandhigay askar ay sheegeen inay isku soo dhiibeen

Al-Shabaab ayaa degaanka Abooreey oo hoostaga degmada Buul- Burde ee Gobolka Hiiraan waxaa ay kusoo bandhigeen 11 Askari oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Ciidamada dowladda Soomaaliya balse isku dhiibay Al-Shabaab.

Askartan ayaa Al-Shabaab sheegeen inay ka howlgeli jireen magaalloyinka, Beledwyene, Buulo-Burde, Muqdisho, Maxaas & degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo ka kala tirsanaa Milalteriga, Nabadsugida & Kuwa macaawiisleyda.

Qaar kamid ah Askata ay Al-Shabaab soo bandhigeen oo hadlay ayaa sheegay inay qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan uga qeyb qaataan dagaalo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab, isla markaana duruufo soo wajahay darteed ay isaga soo tageen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha Ciidamada dowladda gaar ahan qeybta 27aad ee ka howlgasha Gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe weli kama hadlin askarta ay soo badnhigeen Al-Shabaab oo ay ku sheegeen inay kasoo goosteen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore ayaa Dowladda Soomaaliya & Al-Shabaab waxaa ay siyaabo kala duwan u soo bandhigeen askar iyo saraakiil ay sheegeen in midba midka kale uu isku soo dhiibay, waxaana ay kusoo aadeysaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay dhaceen dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda & Al-Shabaab.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading