Al-Shabaab oo weerar ka geysatay magaalada Baydhabo

Rag hubeysan oo kamid ah kooxda Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday Bar-kantarool oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin gudaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay wadada soddonka ee Baydhabo, Ciidanka dowladda iyo kooxda weerarka soo qaaday ayaa waxaa dhexmaray iska hor imaad, iyadoo dhawaqa rasaasta si weyn looga maqlay xaafadaha magaalada Baydhabo.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii uga yimid dhanka Shabaabka, isla markaana uusan jirin khasaaro ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading