Al-Shabaab oo weerartay Saldhigyo ay lee yihiin Ciidanka Dowladda & AMISOM

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerareen saldhigyada Ciidamada Dowladda & kuwa AMIOSM ku leeyihiin degmooyin iyo degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerareen ilaa 8 Saldhig oo Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ku sugan yihiin, kuwaas oo kala ah, Arbacoow, Lambar 60, Buufoow Bacaad,Awdhgeele, Danoow iyo Janaale.

Dadka degaannadaas qaarkood oo Risaala la xiriirtay ayaa waxaa ay sheegene inay maqleen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsadeen labada dhinac, hayeeshee aysan ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iskla difaaceen weeraradii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading