Al-sisi oo mar Sadexaad u ordaya hogaaminta Masar-ta muhiimka u ah Gobolka

Al-Sissi oo ahaa Wasiirkii hore ee difaaca,ayaa hoggaamiyey Afgmabi xukunka looga tuuray Madaxweyne Maxamed Morsi 2013-kii kadib dibad-baxyo ka dhan ahaa xukunkiisa halka sano jiray.

Al-Sissi oo markii ugu horreysay la doortay 2014, waxaana muddo xileedkiisa Labaad loo doortay 2018,weli kuma dhawaaqin in uu mar kale yahay Musharax.

Isbeddel Dastuur oo lagu ansixiyey Afti 2019-kii,ayaa Laba Sano ku daray muddo xileedkiisa Labaad, wuxuuna u ogolaaday in uu mar Saddexaad u ordo muddo xileed Lix Sano ah.

Waleed Xamsa, Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaran ee Masar,ayaa sheegay in Cod bixinta ay dhici doonto December 10-12, ayada oo doorashada ku celiska ahna ay dhaceyso Janaayo 8-10, haddii musharaxna aanu helin in ka badan 50% codadka.

Waxa uu intaas ku daray in Dadka dibedda dalka ku maqan ay codeyn doonaan December 1-3, halka tan ku celiska ahna ay codeyn doonaan 5-7.

Siyaasiyiin dhowr ah,ayaa durba ku dhawaaqay in ay u taagan yihiin qabashada xilka ugu sarreeya dalka, balse midkoodna loolan adag ma gelin doono al-Sissi oo xukunka hayey tan 2014.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading