Rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo Gudoomiyihii Degmada Marka Cabdullaahi Waafow iyo 10-Qof oo kale oo lagu dilay Qarax.
Waafow,waxuu ahaa marka laga soo tago masuuliyada Dowladeed Oday Beeleed oo muhiim u ahaa Beesha Biyo-maal.
Xarunta Degmada Dhexdeeda,ayaa lagula eegtay Qaraxa Gudoomiyaha iyo Dadka kale ee Geeriyooday.

Muranka Deegaan ee dhexyaaley Beelaha Biyo-maal iyo Habar-gidir,waxuu ahaa Udub dhexaad aad ugu dooda Qadiyada Deegaan ee Beesha Biyo-maal.
Dilkiisa,waxaa ku wareegsan tuhun weyn oo ah in Alshabaab loosoo maray loona adeegsaday.

Beesha Biyo-maal,waxaa ka baxay Ugaas miisaan ulahaa difaaca Qadiyadooda Deegaan kana digi jiray dhibaatada Beesha Habar-gidir ee Deegaanka.
Beesha Habar-gidirna,waxaa la oran karaa,waxaa ka haray Utin ku taagnayd.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.