Alshabaab Oo Dad rayid ah Oo raashin galinay Degmada go”doonsan Ee Waajid laayay

Wararka ka imaanaya degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in xalay dagaalamayaasha Al-shabaab ay dileen mid ka mid ah labo ruux oo ay ka qabteen degmada Waajid, kadib markii Al-shabaab shalay jidka u galeen qaar kamid ah dadka deegaanka oo waday Raashiin ay ka keeneen Magaalada Baydhabo kaas oo ku rarnaaa Gaari Dameero.
 
In kabadan 9 qof oo ahaa dadkii la socday Gaari Dameerada waday raashiinka ayaa labo kamid ah gacanta ku dhigeen Al-shabaab inta kalane waa ay ka baxsadeen sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka iyo mas`uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka.
 
Wararkii ugu danbeeyay ee hadda naga soo gaaraya deegaankaas, ayaa sheegaya in labadii qof ee Al-shabaab ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah xalay ay dileen.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading