Alshabaab oo sheegatay inay gacanta ku hayaan diyaarad drons ah oo maraykanku leeyahay .

Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in ay Gacanta ku hayaan mid ka mid ah Diyaarada aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Dronis-ka

 

Waxa ay sheegeen in Diyaradaan oo ah Nooca wax basaasa ay ka qabteen Buuraha Calmadoow  ee duleedka Magaalada Boosaaso Xarunta Gobolka Bari .

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay hadda Gacanta ku hayaan burburka Diyaarada oo ku sheegeen in ay leedahay dowladda Mareykanka wallow ilaa iyo hadda aan loo heyn waxyaabo cadeyn ah.

Weli dowladda Mareykan kama jawaabin hadalka ka soo baxay Al-Shabaab ee ku aadan in ay Gacanta ku hayaan mid ka mid ah Diyaaradaha wax basaasa ee dowldda Mareykanka.

 

Sikastaba todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka waxa ay duqeymo ka geysteen deegaano ka tirsan Bartamaha iyo koonfurta Soomaliya gaar ahaan deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading