Alshabaab Oo sheegtay dilkii Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubaland

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay dilkii ka dhacay Kismaayo ee loo geestay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa sheegay in dilkaasi ay ka danbeeyeen waxayna sheegeen in dilkaas uu yahay kii ugu horeeyay oo loo geesto Xildhibaan ka tirsan Jubbaland.

In kastoo Al-Shabaab ay sheegteen dilkaasi ayaa warar kale oo lagu kalsoonaan karo waxay xaqiijinayaan in dilka Xildhibaanka uu salka ku hayo muran kala dhaxeeyay Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Jubbaland murankaas oo ka dhashay is qab qabsi la xariira dhul ku yaala Magaalada Kismaayo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading