Alshabaab Oo sheegtay in ay qabsadeen Qooqaani

Xaraakada Al-shabaab ayaa sheegatay in ay dagaal kula wareegtay degaanka Qooqaani oo ka tirsan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.
 
Al-shabaab waxaa ay sheegeen in ay dagaal kula wareegeen degaankaas iyaga oo halkaas kula dagaallamay Ciidamada Maamulka Juballand iyo kuwa Kenya ee ku sugnaa degaankaas.
 
Waxaa ay intaas ku dareen in Ciidamada Maamulka Jubaland ay dagaalka kaddib aadeen degaan duleedka ka ah Qooqaane oo uu ku yaallo saldhig ay halkaas ku leeyihiin Ciidamada Kenya.
 
Al-shabaab ayaa intaas raaciyay in ay dab qabadsiiyeen saldhigga ay kala wareegeen Ciidamada Jubaland ee degaanka Qooqaani oo ah halka lagu dagaallamay maanta.
 
Ma jiro war ka soo baxay dhinaca maamulk Jubaland oo la xiriira sheegashada Al-shabaab ee ah qabsashada degaanka Qooqaani oo ka tirsan Gobolka Jubada hoose.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading