Alshabaab oo sheegtay in ay qabsadeen Saldhigii Ceel-la helay Ee Ciidamada DFS

Warar kala duwan,ayaa xaqiijinaya in Al-Shabaab ay maanta weerar ku qaadeen Saldhiga Ceel-la helay.

Khasaare xoog leh in lagu gaarsiiyay Ciidamada Dowladda ee Gor-gor iyo kuwa Macawisleyda,ayay Ilo Wareedyo xaqiijinayaan.

Al-Shabaab,ayaa sheegtay in ay Gacanta ku dhigeen Saldhiga Ceel-la helay kuna qabsadeen Hub,Gaadiid iyo Askar Maxaabiis ah.

Dowlada Villa Somaliya,waxay dhankeeda sheegtay in ay Gacanta ku hayso Saldhiga Ceel-la helay.

Dhanka kale Qarax ismiidaamin ah,ayaa lagu dhaawacay Madaxweynaha Galmudug iyo Labada Xildhibaan ee ugu miisaanka culus kuwa laga soo doorto Galmudug Cabdiqaybdiid iyo Dhabancad.

Hadii ay dhab noqoto sheegashada Alshabaab,waa dharbaaxo kale iyo jab ku dhacay marka laga soo tago kii Cows-weyne Gulufkii Xasan Shiikh ee argagixisada.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading