Alshabaab oo toogtay Lix Nin

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegay inay magaalada Buu’aale ku toogteen lix nin oo lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin “basaasiin”.

Wararka ay baahiyeen warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa ku eedeeyey lixda qof inay u kala basaasayeen dawladda Soomaaliya, Kenya iyo Maraykanka.

Maxkamadaha Al-Shabaab ayaan oggolaan qareenno inay difaacaan dadka lasoo eedeeyo, waxaana xukunka lagu ridayaa “qirasho” la sheego inay eedeysanayaasha sameeyaan.

Si kastaba, waxaa dadka kasoo goostay Al-Shabaab ay sheegaan in dadka lasoo eedeeyo la jirdilo si loogu qasbo qirasho.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading