Alshabaab oo weeraro ka fuliyay Agagaarka Muqdisho

AS,ayaa saaka oo Sabti ah lagu soo waramayaa in weerar abaabulan ay ku qaadeen Ciidamada Dowladda, ee ku sugan Awdhiigle ee Gobolka Shabeellada Hoose,waxaana halkaasi ka dhacay iska hor in aad xooggan oo qaraxyo la socdeen.

Weerarada argagixisada AS ee Deegaamada Xaawa Cabdi iyo Jihada Awdhiigle ee Maanta iyo kuwii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Balcad oo dhamaantood Xamar ujira markay ugu fog yihiin 30-KM,waa fariimo khatar muujinaya.

In AS isku dayaan si muuqata Ciidan hubaysan in ay ku galaan agagaarka Xamar,waa dhiiranaan cusub.

Horay,waxay ku hawlgeli jireen qarsoodi,balse sida hada muuqata,waa bareerayaan,waxayna rabaan in ay ugu yaraan Qaybo ka mid ah Xamar toos umaamulaan.

Majiraan Ciidamo Dowladeed oo hor taagan,kuwii Beelaha,waxaa kala daadiyay Xasan Shiikh oo sababay in AS uga saamayn bato Beelaha DFS.

 

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading