Alshabaab oo weeraro ku qaaday Goobihii ay iskaga baxeen

Maleeshiyada Al-Shabaab,ayaa xalay tiro Madaafiic ah ku weeraray deegaanka Ceel-Lahelay ee Gobalka Galgaduud, oo ay dhowaan qabsadeen Makeeshiyo Beeleedyada Dowladda Fadaraalku abaabushay.

Kooxda Al-Shabaab,ayaa sheegtay in ay ku beegsatay fariisimaha Ciidamada Dowladda ay kaga sugan yihiin halkaas.

Shabaab ma bixin faah-faahin intaas dheer.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda,ayaan weli ka hadal weerarka ay sheegteen Al-Shabaab.

Shabaab,waxay Ciyaaraan qorshe ay uga baxaan Magaalooyinka marka Guluf xoog leh kusoo wajahan yahay,jadibna weeraro Gaadma ah ay ku sameeyaan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading