Amarka Madaxweyne Trump ee Qaxootiga oo Maanta Dhaqangalayo

A judge’s gown and gavel with sound block on deep, rich colored wooden desktop and American flag
Amarki uu Madaxweynaha Donald Trump uu uga mamnuucay inay soo galaan dalkaan Mareykanka, qaxootiga iyo muwaadiniinta kasoo jeeda lix waddan oo ka mid ah dalalka Islaamka ayaa dhaqan galaya saacadaha hore ee maanta oo Khamiis ah.
 
Saraakiisha Socdaalka Mareykanka ayaa sugaya tilmaamo ku saabsan habka ay u fulin doonaan amarka madaxweye Trump, iyadoo madaxda Waaxaha Arrimaha Dibadda, Cadaaladda iyo Amniga gudaha aysan wali u kala caddeyn shakhsiyaadka loo ogolaan doono in ay soo galaan iyo kuwa laga celin doono xuduudaha iyo garoomada diyaaradaha Mareykanka ee kasoo jeeda dalalka Iran, Libya, Somalia, Sudan, Syria and Yemen.
 
Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka ayaa u xaqiijisay dadka musaafurka ah in aysan la kulmi doonin isk-dhax-yaacii ka dhacay garoomada diyaaradaha marki ugu horeysay ee uu dhaqan galay amarki madaxweyne Trump bishii March ee sanadkaan.
 
Qaar ka mid ah qareenada muhaajiriinta ee Mareykanka ayaa sheegay inay iska xaadirin doonaan maanta garoomada diyaaradaha ee caalamiga ah si ay u caawiyaan dadka uu saameyn doono amarka trump.
 
Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa Isniintii dib u fasaxday amarka madaxweynaha Mareykanka uu si kumeel gaar ah ugu diiday in ay Mareykanka ku yimaadaan muwaadiniinta u dhashay lix waddan oo ka mid ah dalalka Dunida Islaamka.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading