Amarkii Trump oo ku dhaw gebi ahaanba in uu fashilmo

Garsoorihi sida ku meel gaarka aheyd u hakiyey amarki Madaxweyne Trump ee ka dhanka ahaa qaxootiga ayaa Isniintii sheegay inay furayaan kiis kale oo si toos ah u mamnuuci doono amarkaasi.

Garsoore James Robart oo xaakim ka ah maxkamad ku taalla magaalada Seattle ee gobolka Washington ayaa horaanti bishaan hakiyey amar uu madaxweynaha Mareykanka ugu diiday inay dalkan soo galaan muddo 90 cish ah muwaadiniinta kasoo jeeda dalalka Iraq, Iran, Syria, Libya, Yemen, Somalia iyo Sudan. Sidoo kale qaxootiga ayuu amarkaasi taabanayey guud ahaan.

Waaxda Cadaalada Mareykanka ayaa weydiisatay garsoore Judge Robart inuusan qaadin tallaabo sharci ah ilaa ay go’aan kama danbeys ah qaadan Maxkamada Sagaalaad ee Mareykanka, laakin garsoore Robart arrintaasi waa uu ku gacanseyray.

Dhinaca kale, xaakim federal ah oo ku sugan gobolka Virginia ayaa soo saaray amar lagu diidayo in amarka Trump laga hir-geliyo gobolka Virginia.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Be the first to comment on "Amarkii Trump oo ku dhaw gebi ahaanba in uu fashilmo"

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading