AMISOM oo iska fogaysay in ay qayb ka ahayd qabashadii Rooboow

Amb. Franscisco Madiera ayaa sheegay inuu si dhow ula socday dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Koonfur Galbeed, kaddib xariggii Mr Mukhtaar Roobow.

Waxaa uu sheegay in aanay AMISOM qeyb ka aheyn xariggiisa iyo sidoo kale tallaabadii loogu soo duuliyay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka xun yihiin dadkii ku dhintay rabshadaha, isagoo tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan qoysaskii ay ka baxeen, sidoo kale waxaa uu soo bogasho degdeg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in AMISOM ay waajibaadkeeda u gudan doonto si daacadnimo ah, isla markaana si dhow ula shaqeyneyso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyadoo ixtiraameysa sharcigooda, dhaqanka iyo qiimahooda.

War saxaafadeedka ka soo baxay AMISOM ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Xildhibaanada baarlamaanka fadaraalka intooda badan,ay dacwad ka dhan ah Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya u gudbiyeen Madaxda Midowga Afrika, iyagoo ku eedeeynaya in Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howl galka AMISOM ay faragelin ku hayaan arrimaha Soomaaliya, kana qeyb qaateen xariggii Mukhtaar Roobow.

Halkan ka akhriso warqada


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading