AMISOM oo kormeertay goobta Jubbaland u asteysay Doorashada (Sawirro)

Saraakiil ka tirsan ciidammada Booliska Nabad illaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta booqday goobta loo asteeyay in lagu qabto doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Dowladda Fedraalka ah ee Soomaaliya si ay u qiimeyn iyo indho-indheyn ugu sameeyaan.

Saraakiisha ayaa warbixinno ka dhagaystay Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubbaland Mudane Dr Siyaad Maxamed Mursal iyo guddoomiyaha guddiga Baarlamaanka Jubbaland u qaabilsan qabashada doorashada aqalka sare Xildhibaan Xuseen Xirsi Axmed.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading