AMISOM oo qiratay xasuuq ay ka geysatay Gobalka Sh/hoose

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa qirtay in Ciidamo ka tirsan Uganda ee AMISOM ay dad shacab ahaa ku dileen degaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib weerar qorsheysan oo ay Ciidamada la kulmeen.

War-saxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in AMISOM ay ka go’aan tahay baaritaanka kiiskaas, kaas oo la soo geba-gabeyn doono lixda BISHA September ee soo socota, ayna baaritaanka kala Shaqeyn doonaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

War-Saxaafadeedka kasoo baxay AMISOM oo aad u dheera ayaa waxaa sidoo kale lagu yiri” Anagoo daba socona Bayaankii ay AMISOM sooo saartay Ogosto 11, 2021, ee ku saabsanaa dhacdadii ka dhacday Golweyn, halkaas oo ay ciidamada AMISOM ku weerareen Cubno ka tirsan Al -Shabaab iyagoo ku jiray roondo joogto ah, baaritaanno horudhac ah ayaa lagu ogaaday in toddobada qof ee la dilay aysan ka tirsanayn Al –Shabaab ayaa lagu yiri” Warka AMISOM.

Sidoo kale AMISOM ayaa sheegtay in ay baarayaan wararka sheegaya inciidamadooda ay mas’uul ka ahaayeen dhimashada toddobadaas qof, isla markaana ay la kulmeen markii ay dhacdadu dhacday odayaasha, xubnaha bulshada iyo saraakiisha dowladda, una caddeeyeen inaysan raali ka noqon doonin falal dambiyeedyada ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ay askartooda geystaan, ayna u xaqiijiyeen inay ka go’an tahay inay gartaan oo ciqaabaan kuwa jebiya xeerarka hawlgelinta.

“ Si loo baaro dhacdadan halista ah lagana taliyo tallaabooyinka dabagalka ah. AMISOM waxay sameysay Guddi Baaritaan oo ka kooban toddoba xubnood, kuwaasoo isla markiiba bilaabay shaqadooda. Baaritaankan sharciga ah waxaa hoggaaminaya sarkaal sare iyo laba xubnood oo ka socda Guddiga Midowga Afrika ee Addis Ababa. Xubnaha kale waxaa ku jira sarkaal sare ooka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliva aya sidoo kale lagu yiri” Qoraalka kasoo baxay AMISOM.

Hawlgalka AMISOM ayaa sidoo kale sheegay inay la shaqeynayaan Dowladda Federaalka iyo qoysaska ay dhibaatadu saameysay, su loo sameeyo baaritaan degdeg ah oo hufan, kaas oo la soo gabagabeyn doono 6 -da September, 2021, isla markaana Guddiga baarista ay dejin doonaan inta ay le’eg tahay mas’uuliyadda ciidamada AMISOM ee dhimashada toddobada iyo duruufaha ay ku dhacday, sidoo kalena ay Guddigu ku talin doonaan in magdhaw la siiyo qoysaska ay dhibaatadu saameysey haddii ay dhacdo in askarta AMISOM lagu helo dambi ayna soo jeediyaan talooyin si looga fogaado inay soo laabtaan falalkaasi.

Dowladda Uganda ayaa horay u xaqiijisay haddii Guddigu uu caddeeyo inay hayaan caddeymo ku filan, Maxkamad ay la aadi doonaan kiiskaas si loo maxkamadeeyo kuwa ku lugta leh dilkaas,

“ AMISOM waxay u qaadaysaa hab sharci ah eedeymahan halista ah si waafaqsan hab- dhaqanka ugu wanaagsan ee caalamiga ah, waxaana ka go’an inay sida ugu dhaqsaha badan u sameyso baaritaan dhab ah, la xisaabtamo cidkasta oo mas’uul ah una hoggaansanto dhammaan wixii ka soo baxav ivo taloovinka Baaritaanka ayaa lagu soo geba-gabeeyay qoralka AMISOM.

Hadalka AMISOM ee haatan ayaa imaanaya saacado uun kaddib markii ra’iisalwasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, uu sheegay in dhacdadaasi loo saaray guddi wasiirro ah oo maanta oo Axad ah kulamo la qaadan doono safiirka Uganda u fadhiya Soomaaliya iyo xubno ka tirsan ciidamada AMISOM.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading