Amniga magaalada Jowhar oo si weyn loo adkeeyay

Ammaanka magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa si weyn loo adkeeyay halkaasi oo lagu waddo in dhawaan ay ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Hirshabeelle.

Ciidanka Booliska ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka wadda xaafaddaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar ka dib markii dhawaan lagu dhaawacay qarax bamboo ah xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Maalinta berri ayaa lagu waddaa in hadal jeedinta Musharaxiinta ay ka bilaabato magaalada Jowhar, halkaasi oo ay ka socotay diwaangalinta musharaxiinta maalmihii lasoo dhaafay.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading