ANC oo jab xoog leh kala kulantay Doorashadii Koonfur Afrika

Xisbiga ANC ee uu mar hogaaminayey Nelson Mandela ayaa la kulmay natiijadii ugu xumayd ee doorashada tan iyo markii uu dhamaaday midab-takoorkii Koonfur Afrika, 30 sano ka hor

Natiijooyinka doorashada degmooyinka ee 99% ayaa lagu dhawaaqay in ANC ay heshay 40%

Tani waa hoos u dhac aad u daran tan iyo doorashadii hore oo ay ANC heshay 57%

Natiijada Doorshada ayaa macneheedu yahay inay awoodda la wadaagto hal xisbi ama dhawr xisbi

Hogaamiyayaasha ANC ayaa isku diyaarinaya wadahadalo isbahaysi oo adag

Xisbiga midigta dhexe ee Democratic Alliance (DA) ayaa weli ah xisbiga labaad ee ugu weyn isagoo helay 22%

Xisbiga cusub ee MK oo uu hogaamiyo madaxweynihii hore Jacob Zuma ayaa ku jira kaalinta saddexaad isagoo helay 15%

Waxa uu beddelay xisbiga xagjirka ah ee EFF oo saamigoodu hoos ugu dhacay 9%

Saami qaybsiga kuraasta Golaha Shacbiga oo ka kooban 400 oo xubnood ayaa ku saleysnaan doonta saamiga codadka la kala helay,


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading