António Guterres oo cambaareeyay weerarkii Kismaayo

Xoghayaha Guud ee Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa António Guterres, ayaa cambaareeyay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotel ku yaalla Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka Xoghayaha guud Stephene Dujarric, ayaa sheegay in Guterres uu canbaareeyey weerarkii lagu dilay dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, isagoo tacsi tiiraanyo leh u dirayo Qoysaska kuwa naftooda ku waayay weerarka wuxuuna u rajeeyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo kabtaan waxyeelladii ka soo gaartay halkaas.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, ayaa sheegay in ay Qaramada Midoobey ay Bulshada Soomaaliyeed u hayso taageera buuxda , una rajeynayso mustaqbal nabad ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading