Aqalka-sare Oo Gudi usaaray weerarkii guriga Cabdiqaybdiid

Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ay isugu yimaadeen waxay Gudi baara weerarkii lagu qaaday Guriga uu Muqdisho ka dagan yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid u saareen, Gudigaas oo baaridoona sababta ka dambeysa weerarkaasi.
 
Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaa waxa ay sheegeen in Guddigaan ay heystaan Muddo gaaban, islamarkaana maalmo kooban ka dib ay ku dhawaaqi doonaan Natiijadda Baaristooda ka soo baxda.
 
Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa kala ah:-
 
-Maxamed Amiin Shiikh Cisman-Gudoomiye.
-Axmed Xaashi Maxamuud,-G.Xigeen.
-Cabdirisaaq Axmed Cali -xubin.
-Cabdulaahi Shiikh ismaaciil Fartaag-xubin.
-Cabdulaahi Cabdi Garuun-xubin.
 
Guriga Cabdiqaybdiid ayay weerar ku qaadeen Ciidamo kumaandoos ah oo ay taba bartay dowlada Imaaraadka. sanadkii hore ee 2017-dii.
 
Gudi uu u magacaabay Madaxweyne Farmaajo baarista weerarkaas ,ayaan ilaa iyo hada soo saarin wax natiijo ah oo ku saabsan baairstoodii.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading