Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Hormarinta dhaqaalaha iyo Xariirka Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa daah-furtay kulan ku saabsan aqoon isweydaarsi oo dhexeeya Shaqaalaha Wasaaradaha Puntland iyo Koonfur Galbeed .
Kulanka Aqoon isweydaarsiga ah ayaa waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Qorsheynta iyo Waxbarashada Puntland iyo Agaasimaha Qorsheynta Koonfur Galbeed.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Puntland Cabdiqafar Cilmi Xange, oo ka hadlay Madasha ayaa si diiran u soo dhaweeyey Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha ka socday Koonfur Galbeed, isagoona tilmaamay in loo baahan yahay Iskaashi dhanka Ganacsiga, Amniga, Wada shaqaynta Haayada Dowladaha Puntland & Koonfur Galbeed si loo dhaqan galiyo heshiiski ay wada gaareen Madaxwayne Saciid Cabdilahi Deni iyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, kaas oo daaranaa iskaashi dhex mara Puntland & Koonfur Galbeed oo sahlaya is dhexgalka labada Bulsho.
















Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.