SL,waxaa Lacagtii kaga dhamaatay Xildhibaano Xisbiga Jamhuuriga ah iyo Joornaalo ay ka dhex baadigoobayso Aqoonsi.
SL maka heli kartaa Aqoonsi DFS?
SL in ay noqoto Qaran gaar ah,,wuxuu ka go’aa Shacabka iyo DFS ee kama imaanayo Dibada.
Shacabka Somaliyed ma danaynayaan in ay kala tagaan oo Qayb ka mid ah laga jaro.
Sidoo kale MW Somaliyed oo Villa Somaliya fadhiya kama Shaqayn karo kala taga Wadanka.
SL iyo fursadaha Midninada?
Shacabka SL,waxay wada socodka Somalinimada ku heli karaan fursado waa weyn oo laga xusi karo……
1.Caasimada JFS oo ay qaadan karaan.
2.Awoodo Siyaasadeed oo ay heli karaan.
3.Miisaaniyad soo kabasho oo loo samayn karo.
Gunaanadka.?
Hadii SL aqbali waydo waaqiciga,waxay sabab usii ahaan doontaa in aan sii ahaano Qaran Qaybsan iyo Bulsho ku filnaan wayday in ay isqaadato oo keento aragti ay kuwada noolaan karto ugana gudubto Mushkiladaha horyaala.
Somalida uguma badiso kala tag markii caadifada laga soo tago,waxaana xalkeeda Mustaqbal yahay wada socod.
Sida aan hada nahay,waxay nagu sii foganaysaaa ragaadka Caqligu ha Shaqeeyo SL ha aqbasho Nidaamka Fadaraalka hana gorgortanto.
Walaalayaal soo laabta oo Nala dhisa Qaran Somaliyed oo ku dhisan Caqli iyo aragti ka fog kaligii talisnimo oo Dimuqraadi ah,Fadaraal ah Nooluhu karaamo ku leeyahay.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.