Muuse calan la’aan baa lagu qaabilay iyo Muuse calanka Somaliyaa la ag dhigay miyaan ka dhiganaa guul.
Ninkii aabihii la dilay ee irbada xaday yirina ”Rag is gurahayee” miyuu xaalkeenu kusoo ururay.
Somali waxaa ugu liita maanta kuwa kasoo jeeda Puntland ee wali ku nool waxii Awoowayaashood utabceen magac iyo hantiba,balse aan iyagu waxba kusii kordhin.
Wiilka Isaaq waxuu gucle iyo orod ugu jiraa in uu beeshiisa danteeda ku ilaalsado Jamhuuriyad la yiraahdo Somaliland oo beeshiisu ay ka tahay Dadka ugu badan ee ku nool jamhuuriyadaas,caasimadeeduna ay tahay meel ay beshiisu leedahay,sidoo kale isheeda dhaqaale ay tahay mid beeshiisu ay leedahay, Qaran iyo Midnimo Somaliyed meel buu iskaga xiray waana ka gudbay.
Wiilka Hawiye waxuu ku qanacsan yahay in uu Xamar iyo Koonfurta dalka haysto halkaas uu ku tabco xoolo siduu rabo haku keenee,meel buu iskaga xiray qaran iyo gobanimo lagu naaloodo.mana kala jecla waxa dhacaya oo dhan.
Daarood-ka Somaliya waxaa hormuud u ah oo ay dugsadaan kuwa Puntland dhan walba,
Wiilka Daarood ee Puntland saldhiga u tahay ee maanta Nool mahan mid hadaf iyo aragti uu ku jiheeyo shacab leh.
Mahan mid la laangoosan kara wiilasha Isaaq iyo Hawiye ee masraxa siyaasada iyo mustaqbalka Somaliyed kula loomaya.
Kaliya waa mid ay kaga soo ururtay Qaran iyo Midnimo Somaliyed hala helo ,balse aan hayn wax qorshe oo lagu heli karo qarankaas.
Wiilka Daarood ee Puntland kasoo jeeda waa mid a ay agtaal aragti xumo,dhaqaale xumo ,karti iyo hadaf xumo.
Hogaamiyayaashii jiilkii hore ee kasoo bixi jiray Puntland waxay ahaayeen haldoor aragti dheer,han leh oo ay ka go’an tahay qaran iyo midnimo Somaliyed oo dib loo yagleelo qorshana ka leh.
Markaan Tusaale usoo qaadano mid ka mid ah hogaamiyayaashii taariikhda galay ee ka yimid Puntland waa Cabdulaahi Yuusuf rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo.
Cabdulaahi Yuusuf waxuu ahaa haldoor caqli badan,han leh,karti iyo geesinimo u dheer tahay ,isla markaana ay ka go’nayd qaran iyo midnimo Somaliyed.
isagoo ka duulaya aragtidaas waayihisii uu masraxa sarnaa waxuu go’aamiyay in uu marka hore deegaankiisa udhiso maamul ay iyaguna ku kala badbaadaan isla markaana ku midoobaan horumar nololeedna ay ku sameeyaan.
Maamulkaas waxuu noqday Puntland Cabdulaahi waa dhisay waana ka dhabeeyay hirgalinta hadafyadii loo dhisay ee kala ahaa:-
-Midaynta cududa Daarood ee Somaliya.
-Ilaalinta midnimada Somaliyed.
-Soo celinta qaranimadii burburtay ee Somaliyed.
Guulo la taaban karo ayuu ka gaaray hadafyadaas waxuuna dhisay Puntland leh nidaam adag ,awood ciidan iyo mid dhaqaale,sidoo kale waxuu muujiyay oo banaanka soo dhigay maqaabka iyo miisaanka reer Puntland.
Cabdullaahi dhismihii Puntland kadib waxuu abaabulay oo u dhaqaaqay sidii lagu heli lahaa qaran Somaliyed waxuuna abaabulay shirkii caanka ahaa ee mudada socday ee Imbagaati,kaasoo ugu danbayntii ay ka dhalatay dowlad kmg ah oo Somaliyed majarahana uu qabtay isla Cabdullaahi Yuusuf.taasoo markii danbe si rasmi ah u saldhigatay Villa Somaliya 20-sano kadib.
Cabdulaahi waxuu ka tagay reer Puntland oo maqaabka ay Somali ku dhex leeyihiin cirka maray beesha caalamkuna u aragto shacab iyo maamul muhiim ah oo aan looga maarmin arimaha Somaliya.
Cabdulaahi waxuu ka tagay Somaliya oo leh dowlad fadaraal ah oo fadhida caasimadeedii.
Cabdulaahi waxuu ka tagay Midnimadii Somaliya oo rajo soo yeelatay iyo maamulkii gooni goosadka u olalaynayay ee Somaliland oo ay albaabo badan kasoo xirmeen.
Puntland iyo Cabdulaahi kadib”
Halyeey Cabdullaahi Yuusuf kadib waxaa hogaankii Puntland-ta maqaabkaas iyo guulahaas dhan walba leh keentay qabtay Madaxweyne Maxamed Cabdi Xaashi.
Maxamed Cabdi Xaashi mudo dheer ma hayn talada Puntland kaliya waxuu hayay mudo lix bilood ah oo uu gaarsiinayay doorasho,isagoo sii hogaaminayay Puntland xiligii u harsanaa Madaxweyne Cabdullaahi oo noqday Madaxweynaha dowladii Fadaraalka.kmg ahayd ee kasoo baxday shirkii Imbigaati.
Puntland iyo M,Cabdi Xaashi kadib”
Maxamed Cabdi Xaashi kadib waxaa hogaankii Puntland-ta maqaabkaas iyo guulahaas dhan walba leh keentay qabtay Madaxweyne Cadde Muusse rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo.
Jeneral Cadde waxa ay isku xili ahaayeen Madaxweyne Cabdullaahi xiligisii uu hogaaminayay dowlada fadaraalka .
Waxa ugu badan oo lagu amaani karo waa garab istaagistiisii hiil iyo hooba lahaa ee uu la garab istaagay sidii loosoo celin lahaa dowladanimadii Somaliya,taasoo ahayd mid ka mid ah hadafyadii loo dhisay Puntland.
Sidoo kale waxaa xusid mudan isagoo ku mashquulsan garab istaaga soo celinta dowladnimada Somaliya hadana aragtidisii horumarinta iyo dhismihiisii kaabayaasha dhaqaalaha sida garoonka diyaaradaha Bosaso iyo Maxjarka Xoolaha ee Bosaso.
Puntland iyo Cadde kadib”
Jeneral Cadde kadib waxaa hogaankii Puntland-ta maqaabkaas iyo guulahaas dhan walba leh keentay qabtay Madaxweyne Faroole.
Faroole oo markaas kusoo beegmay xili xaalku adag yahay Puntland ay jilicsanayd waxuu wax la taaban karo ka qabtay dib u xoojintii nidaamka dowliga ah ee Puntland,iyadoo uu qabtay wax aan la dhayalsan karin sida:-
-Dib u dhiskii ciidanka Puntland .
-Dib u habayntii hay’adihii maamul ee Puntland.
-Dastuur rasmi ah oo ay Puntland yeelatay.
-Dhaqaalihii Puntland oo uu dib u habeeyay.
-Calan iyo astaan maamul Goboleed oo rasmi ah.
Dhanka kale Madaxweyne Faroole waxuu wax ka qabtay oo door muuqda ku yeeshay soo celintii dowladnimadii Somaliya ee socotay.
Waxuu qayb iyo door muuqda ka qaatay ka gudbidii nidaamkii Kmg ahaa ee dowladnimada Somaliya iyo doorashadii madaxdii fadaraalka ee xiligaas.
Faroole arimaha aan la ilaawi karin ee uu door muuqda kulahaa waxaa ka mid ahaa—
-Diyaarintii iyo dhamaystirkii dastuurka fadaraalka ah ee hada lagu dhaqmo.
-Shirarkii muhiimka ahaa ee Garowe One,Garowe Two iyo Galkacyo.
Faroole iyo Puntland kadib”
Faroole kadib waxaa hogaankii Puntland-ta maqaabkaas iyo guulahaas dhan walba leh keentay qabtay jiilkii cusbaa ee reer Puntland waxaana hogaanka baneeyay jiilkii hore oo uu ugu danbeeyay Madaxweyne Faroole.
jiilkan cusub waxaa la badiyay ilbxanimo ka badan kuwii hore,aqoon ka badan kuwii hore indho furnaan iyo wax iska dhicin,hadaf,karti iyo wadaniyad.
Madaxweyne Gaas oo ahaa masuulkii loogu hanweynaa jiilkaas cusub soona noqday Ra’isalwasaare ayaa hogaankii Puntland qabtay kagana guulaystay hogaamiyihii udanbeeyay jiilkii hore ee Madaxweyne Faroole hal cod oo waliba khasaaray.
Gaas uma baahna in aad loo faaleeyo waxqabadkiisa iyo dhaliishiisaba,balse intuba waa wax muuqda oo aad si fudud ku ogaan karto.
Majirto waxqabad buuran oo hiigsi leh oo lagu tilmaami karo in uu ka tagayo Madaxweyne Gaas-ka hada xiliga hogaamintiisa Puntland ay uga harsan tahay mudo ka yar sanad.
Gaas hankii loo qabay waa ka hoos maray hiigsigii ay haysteen shacabkuna waxuu kusoo ururay niyad jab.
Waxa ugu weyn ee la xusi karo ee uu qabtay waa in uu culayska miisaankiisa gaarsiiyay 109,Kg,halka markii uu hogaanka Puntland qabanayay uu ka ahaa 68kg.
Afar sano iyo bar kadib Gaas waxaa lagu amaani karaa in uu sameeyay fududayn maashaariic horay usocday oo ay kamid ahaayeen labada garoon ee Bosaso iyo Garowe iyo laamiyada lagu dhiso mashruuca JLPG iyo ceelasha biyaha ee lagu qodo sadaqada maalqabaneeda carabta.
Maanta iyo xaalka Puntland”
Waxaa la oran karaa reer Puntland-ta maanta nool waa kuwa ugu ayaanka daran Somalida maanta jirta.
Waxaa niyad jab weyn ah raga maanta usharaxan hogaaminta Puntland ee raba in ay hogaamiyaan Gaas kadib.
Wiilal caman buurbuuran oo aad ujeedo in ay soo shaqo tageen hankooduna yahay armaad xiligiina hawlgabka ku qaadataan madaxtooyada quruxda badan iyo adeegeeda sareeya ama wasaaradaha aadka loo diyaariyay.
Kuma jiro hal shaqsi oo aad ku tuhmayso hiigsi,hadaf,karti,wadaniyad,daacadnimo iyo hibo hogaamineed.
Shacabku waa mid niyad jabsan hankii iyo hiigsigiina ka sii yaraanayo usii xuubsiimanaya in ay noqdaan dadka aan talada dalka waxba laga waydiin,taa badalkeedana usii diyaar garoobaya in ay noqdaan shacab dhaga fudud oo u diyaarsan in la xukumo.
Waa shacab meel iska sii dhigaya hankoodii iyo himiladoodii lagu yaqiin ee ahaa haldoorka Umada Somaliyed.
Jibril Qoobey.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.