Haddii habka qarda-jeexa ah lagu hirgeliyo nidaam madaxtooyo waxaa ka dhalan kara Afar arrimood.
Kow, burburka dalka waxaa xuddun u ah xukun lagu diriray. Askartii qabsatay dalka 1969 kii waa ay diiday inay xukunka shacabka ku celiso. Dadkii xukunka danaynayey waxay la galeen nidaamkii militariga dagaal hubeysan. Waana lagu burburay.
Iyadoo taas la xusuusan yahay ayaa dowlad-dhiska Soomaalida waxaa lagu saleeyey aragti dib-u-heshiineed iyo isku-jiid-jiid kooxaha isku haya xukunka dalka. Nidaamka madaxtooyada iyo habka loo marayo dastuur-sameyntuba waxay ku dhisan yihiin habka is-maquuninta iyo isku-itaal-sheegashada.
Labo, maaddaama uu dalku weli nugul yahay, waxaa ka dhalan kara in siyaasiyiinta iyo beeluhuba ku kala qeybsamaan. Taasi waxay sii fogeyneysaa rajada laga qabo in dowladnimadu hana-qaado. Waana muuqataa oo siyaasiyiin dan ka leh xukunka ayaa si weyn uga horyimid nidaamka.
Madaxweyneyaal hore, Shariif Sheekh Ahmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan habka ay dowladdu wax u waddo. Ra’iisul-Wasaare hore Xassan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo siyaasiyiin kale oo farabadan ayaa iyaguna ka hor yimid.
Saciid Cabdullaahi Deni oo ah madaxweynaha Puntland ayaa warqad diginin ah soo saaray. Waxaana dhici karta inay gobollada qaar ama beelaha qaar ay qabaan tabashooyin u gooni ah. Marka lagu daro Madaxweyne Xassan Sheekh waa intii 2022 ku tartantay xukunka.
Saddex, waayadan dambe, Soomaalida ayaa doodi jiray oo dabadeedna xal jacbur gaari jiray. Haddii ay madaxda dowladdu xakamayn waayaan khilaafka, waxaa dhici karta in faragelin ka timaad beesha lixaad ay timaado. Waana tan uu Madaxweyne Farmaajo ka digayey. Tusaale dhowna waxaaba u ah doorkii ay beesha caalamku ka qaadatay khilaafkii siyaasadeed ee dhacay xilligii Madaxweyne Farmaajo.
Ugu dambeyn, waxaa ka imaan kara in waqti badan oo loo baahna uu ku lumo oo ay dowladdu ka mashquusho hawlaha kale ee waaweyn ee ay masuulka ka tahay. Runtiina, waaba ay dhacday. Dhanka kale, waxaa iyaduna iman karta in nidaam kasta oo yimaad uu isku dayo inuu sameysto xeerar uu xukunka ku sii baahsan karo
Maxaa xal ah?
Jawaabtu waa laba heer. Tan hore, waa yaa ka heshiinaya, sideese looga heshiinayaa habka loogu tartamayo siyaasadda iyo nidaamka dalka lagu maamulayo? Madaxda dowladdu waxay rabaan inay iyagu kaligood dejiyaan xeerarka hagaya tartanka, ayna ciyaaraan iyagoo koox ah, dabadeedna ay garsooraan iyagoo adeegsanaya guddiyada maamulayo tartanka. Taas sax ma aha.
Sideedaba siyaasadi waxay ka dhexeysaa qolada markaas xukunka joogta oo rabta inay sii joogaan iyo mucaarad doonaya inay ka qaataan. Sanadkii 2022, waxaa doorashadii Soomaalidu dhextiil lixdii kooxood ee ay hoggaaminayeen lixdii musharrax ee helay codadkii ugu badnaa. Siyaasadda maanta joogtana waxaa muuqda inay weli is-hortaagan yihiin lixdii kooxood iyo lixdii siyaasi ee hoggaaminaysay.
Dabcan, waxaa jiri kara kuwa kale oo danaynaya inay soo baxaan. Haddase waxaa u cod-dheer lixdaas kooxood. Tan kale, waxaa door leh madaxda maamul-goboleedyada iyo xildhibaannada labada gole.
Madaxweyne Xassan Sheekh waa inuu kooxaha ay siyaasadda isku hayaan uu kala heshiiyo xeerar taran oo loo siman yahay. “Waa siyaasiyiin shaqa la’aan ah” ma soconeyso, doorkii horena Madaxweyne Farmaajo uma shaqeyn.
Dhanka nidaamka ku habboon Soomaaliya xilligan la joogo waxaan u arkaa inuu yahay nidaamka baarlamaaniga ah ee leh muuqaalka madaxtooyada. Waxaa isticmaala nidaamkan dalka Koonfur Afrika. Waxaa tartamaya xisbiyo abaabulan oo leh anshaxa xisbiyada.
Hoggaamiyaha xisbiga ku guuleysta doorashada ayaa noqonaya madaxweyne, waxaana codka kama-dambeysta siinaya baarlamaanka. Dabcan, xubnaha xisbigu ma ka leexan karaan rabitaanka xisbiga oo kuraasta xisbiga ayaa iska leh ee xildhibaanku ma laha. Weliba waa lagu salayn karaa dhaqan-siyaasadeedka Soomaalida. Waase in la iska warsado.
WQ.Prof.Afyare Cabdi Cilmi.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.