Asiyaas Afawerki oo booqasho uga bilaabatay Kenya

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa gaaray dalka Kenya halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho labo maalmood ah.

Ninkan 77 jirka ah ayaa booqasho dhif ah ku tagay dalalka dibadda, dalkiisa wuxuu sanadihii ugu dambeeyay go’doon diblumaasiyadeed.

Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebre Meskel ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in madaxweynaha lagu wado in uu kulan la qaato dhiggiisa Kenya, William Ruto.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii madaxda Kenya iyo Eritrea waxay ku heshiiyeen inay ka wada shaqeeyaan amniga iyo xasiloonida gobolka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading