Askar katirsan CXD oo lasoo taagay Maxkamad (VIDEO)

Maxkamadda darajada kowaad ee ciidanka qalabka sida qeybteeda 60-aad ayaa maanta u fariisatay dacwad ciqaabeedka loo haysto askar ka tirsan qeybta 60-aad ee xoogga dalka.

Askartan Maxkamaddu u fariisatay dacwad ciqaabeedka loo haysto, oo ah 6 Askari ayaa lagu soo eedeeyay inay Bakhaarka keydka hubka Ciidanka Xoogga dalka kala baxeen santuukh rasaas ah, oo kamid ah hubka lagula dagaalamayay Argagixisada.

Lixdan Askari ayaa la sheegay in hubkii ay kala baxeen Keyda hubka Ciidanka, ay ka iibiyeen ganacsato degan suuqa cirtoogte ee Magaalada Baydhabo, waxaana dhageysiga dhinacyada kaddib, ay Maxkamaddu sheegtay inay dib uga dhawaaqi doonto xukunka, sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda ciidanka qalabka sida qeybteeda 60-aad Gaashaanle. Abshir Maxamed Aadan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading