Askar lagu dilay weerar ka dhacay Dalka Mali

24 askari ayaa dhimatay, halka 29 kalana ay dhaawacmatay kadib markii koox hubaysan ay weerar ka gaysteen bariga dalka Mali, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Ciidanka.

Ciidamada Mali ayaa sidoo kale sheegay in dhankooda ay weerarka ku dileen 17 kamid dagaalyaanada, iyagoona intaasi raaciyay in ay gacanta ku dhigeen illaa 100 ruux oo looga shakisan yahay in ay xiriir laleeyihiin.

Weerarkan ayaa imaanaya todobaadyo uun kadib markii 54 askari lagu dilay weerarka kale oo dalka Mali ka dhacay.

Dalka Mali ayaana tan iyo sanadkii 2012’kii ladaalaa dhacayay weerarada ay mintidiinta islaamiga ah dalkaasi ka geesanyaan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading