Askar u dhalatay Uganda oo isku dhex dishay Muqdisho

Askar ka tirsan Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ayaa la sheegay inay maalintii Sabtida ee la soo dhafaay isku dileen Xarunta Dhexe ee Hawlgalka AMISOM ku leeyihiin Garoonka Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tirada guud ee Askartaas is-toogtay, iyadoo wararka Loo-qaateenka ah muujinayso inay is-dileen 2 ilaa 4 Askar u dhalatay dalka Uganda.

Taliska Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM  ayaa baaraya dhacdadaasi, iyadoo mid ka mid ah Askartooda loo soo daad-gureeyey Somalia uu toogasho ku dilay  Sarkaal ka tirsan Maamulkiisa, ka hor inta uusan Askariga is-dilin.

Ilo-wareed ku sugan magaalladda Muqdisho waxay mar sii horreysay u sheegeen Wargeyska Maalinlaha ee The Monitor ee ka soo baxa caasimadda Uganda ee Kampala in Askariga dilka geystay uu ka carooday Sarkaalka Horjoogaha ama Kormeeraha u ahaa, iyadoo tirada guud ee Askarta lagu dilay shilkii dhacay maalintii Sabtida ay gaarayaan 4 Askari oo u dhashay dalka Uganda.

“Weli ma cadda waxa sababay dilka, waxaana doonaynaa inaan ogaano haddii Askariga dilka geystay uu ahaa shaqsi waalan iyo in kale” ayuu yiri Afhayeenka AMISOM oo khadka Telefoonka kula hadlay Wargeyska Maalinlaha ee Daily Monitor.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading