Askari lagu dilay Bosaso goor dhawayd

Askari ka tirsan ciidamada booliiska ayaa caawa lagu dilay isgoyska Banaadir ee Magaaladda Bosaso. Askariga la dilay oo lagu magacaabo Sharma’arke Axmd Waabeeri, waxaa uu ka tirsanaa saldhig Mijir ee magaaladda.

Rag hubaysan ayaa rasaas ku furay Baabuur nooca loo yaqaan Brobox oo lagu midabeeyay calaamada Booliiska, kaasi oo ay saarnaayeen Askariga la dilay iyo labo askari oo kale.

Askari kale ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray weerarkaasi.

Ilaahay Naxariistii Janno ha siiyo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading