Askari toogasho ku dilay laba askari oo ka tirsan Ciidamada Badda Puntland

Askari ka tirsan ciidamada badda maamul goboleedka Puntland ayaa habeenimdii xalay magaalada Boosaaso ku dilay laba askari oo ciidamada Badda maamulka Puntland ay ka wada tirsanaayeen.

Askariga ayaa la sheegay in askarta geeriyootay uu raas ku furay iyaga oo kuwada jira hawlga ay amaanka ku sugayaan.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Badda Puntland, ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan askarigii dilka gaystay, islamaraana ay ku hawlan yihiin baritaanka sababta ku kaliftay in askarigaani toogasho ku dilo labadan askari ee ay hawlgalka kudawada
jireen.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading