Askirigii dilay Talye Siciid Marino Oo maanta maxkamada Ciidamada Fadaraalka la hor keenay

Xarunta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegaya in xarunta Maxkamada ay ka bilaabatay dhageysiga Kiis dil ah oo la xariira dilkii dhawaan Magaalada Muqdisho loogu geystay Taliye Ku xigeenkii hore ee ciidanka badda Soomaaliya Saciid Aadan Yuusuf (Siciid Mariino).
 
Dilkaas ayaa waxaa geystay Gaashaale sare Cabdinaasir Xoosh oo ka tirsan ciidamada Badda Soomaaliya, islamarkaana Saciid Mariino ku dhex dilay Xafiiskisa bishii aan ka soo gudubnay ee sanadkaan.
 
Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku sugan xarunta Maxkamadda kuwaa soo dhageysanaya sidda ay u socota Maxkamadeynta eedeysanaha.
 
Maxkamadeyntan ayaa ku soo beegmeysa,iyadoo maanta ay ku aadan tahay xuska sanadguurada 53-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Ciidamada badda Somaliya sanadkii 1965.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading