Australia: Dhul-gariir ka dhacay magaalada Melbourne

Dhul-gariirka oo halbeegiisu ahaa 5.9 Rector Scale laga dareemay magaalladda Melbourne ee Caasimadda u ah Gobalka Victoria ee K/Galbeed ee Australia.

Burbur dhismooyin ayaa la soo weriyey, iyadoo ruxunka dhulka laga dareemay Deegaanada deriska la ah Melbourne.

Xuddunta dhul-gariirka ayaa ahaa Degmadda Mansfield, sida ay sheegeen Hay’addaha dalkaasi.

Ilaa haatan, lama soo werinin Khasaaro soo gaaray dadka ku nool magaalladda Melbourne oo ah magaalladda 2aad ee ugu weyn dalkaasi.

Saxafi Ali America oo ku nool Australia ayaa sheegay inay dadka dareemeen walaac ballaaran, kadib, markii uu dhulka la ruxmay.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading