Australia oo safiir cusub u soo magacaabatay Soomaaliya (Sawirro)

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya , Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa kaga guddoomay Muqdisho nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Marwo Alison Chartres, Safiirka Australia ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Diblomaasiyiin Soomaali iyo Australian ayaa goob joog ka ahaa madasha guddoomidda.

Intii lagu guda-jiray kulanka, ayaa waxa ay kaga wada hadleen xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada, sidoo kale waxa ay isla fallanqeeyeen xaaladaha gobolka iyo dunida.

Dowladda Australia ayaa dhawaan Soomaaliya u soo Magacaabatay safiir cusub, iyada oo kusoo biirtay dowladaha xiriirka wanaagsan la yeelnaya,isla markaana taageerada siinaya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading