Axmed Karaash oo buriyay shaqo joojin lagu sameeyay Taliya qaybta Gobolka Nugaal

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shaqadiisa u fasaxay taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir saacado  kadib markii uu shaqada ka joojiyay taliyaha ciidamada Booliiska Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse.

Gen Muxiyadiin ayaa shaqa-joojinta u cuskaday amar qaadasho la’aan uu sheegay in uu sameeyay G/sare Cabdixamiid Dirir oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka PSF ee gobolka Nugaal.

Balse madaxweyne ku xigeenka ayaa buriyay shaqa-joojinta waxaana taliyaha Booliiska lagu amray in uu mudda 24 saac gudaheeda ku soo galo magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading