Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), ayaa ku dhawaaqay in aan wax gorgortan ah Somaliland lagala geli karin midnimada iyo xuduudaha Puntland ee Sool Sanaag iyo Cayn.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo cuskanaya qodobka 7-aad ee Dastuurka dowladda Puntland, ayaa lagu caddeeyay in aan wax gorgortan iyo wada-hadal ah laga geli karin Xuduudaha Dastuuriga ah ee Puntland gaar ahaanna dhulka Sool sanaag iyo Cayn ay ka haysato Somaliland.
Qaraalka Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in Wada-hadal lagu dhammeeyo muranka ka taagan dhulka ay Somaliland qabsatay ee Sool, Sanaag iyo Cayn.

Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.