Axmed Karaash oo kormeeray Bangiga dhexe ee Puntland (VIDEO)

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kormeeray dhismaha cusub ee lagu kordhinayo Bangiga Dowladda iyo xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare sida Madbacadda iyo qeybaha kale ee Wasaaradda.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa mid mid u booqday qeybaha kala duwan ee xafiisyada iyo sida shaqadu u socoto, waxaana uu warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta xarumahaasi, isagoo ku bogaadiyey in la dardargeliyo shaqooyinka loogu adeegayo dadweynaha.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading