Axmed Karaash oo la hadlay geerida Gen. Cali Ismaaciil Maxamed

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu ummadda Soomaaliyeed iyo shacabka Puntland uga tacsiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Janaraal Cali Ismaaciil Maxamed oo ku geeriyoodey dalka Turkiga.

Alle ha u naxariistee Marxuumku waxa uu ka mid ahaa ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo ka gaaray derejada Janaraal, waxa uu dalkiisa iyo dadkiisa usoo shaqeeyey muddo dheer, sidoo kale waxa uu ka qayb-qaatay dhismihii dowladnimada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu Alle “SWC” uga baryayaa Marxuumka inuu haygiisa ka yeelo Jannatul Fardawsa, dembigiisana dhaafo, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading